Posted on : 06-04-2010 | By : Cigaal Shiidaad | In : Soomaaliya
0
Waxaa dhici karta inaad ka qeyb gashey doodo badan oo ku saabsan sidee xal loogu helaa colaada ka taagan Soomaaliya. Hase ahaatee waxaad moodaa in doodu u kacdo meel ka duwan suaashii leysweydiiyey. Meelaha ugu badaney doodu u beydho waxaa ka mid ah “dowlad loo dhan yahey halasameeyo” ama “midnimoda Soomaaliyeed hala helo”. Laga yaabaa iney muhiim yihiin in laga doodo dowlad ama midnimo hase ahaatee waxaa wanaagsan in waqtigeeda lala sugo. Oodina sidey u kala sareyso ayaa loo kala qaadaa.
Haddii leysweydiiyey ‘Sidee xal loogu helaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya’, waxaa muhiin ah in maskaxda lagu hayo dhibaatada Soomaaliya heysata. Soomaaliya waxaa dhextaal colaad ka dhaxeysa qabiilo kala duwan. Waxaana lagama maarmaan ah in xal loo helo colaadaas intaan meel kale loo dhaqaaqin. Haddii kale waxaa soo noqnoqon doonta kala qeysanaanta maamulka guud. Waxaa loo qeysamidoonaana kooxo ku saleysan qabiil, gobol, diin iyo wixii lamid ah. Sideynu iminkaba markhaatiga ka nahey.
Haddaba maxey tahey xalku. Maadaama Soomaaliya colaadi ka taagan tahey waxaa muhiim ah in colaadaa la soo af jaro. Sida loo af jarayaana waa mid sahlan. Waxey u baahanahey oo kaliya in taariikhda Soomaaliland ee Siyaad Bare ka dib la akhriyo. Ma isweydiisey maxaa keeney iney Soomaaliland noqoto meel nabad ah. Mise mafileysaa iney colaad qabiileed ka taagney Soomaliland Siyaad Bare kadib. Sideyse u xaliyeed colaadii qabiileed.
Soomaaliland qabiil walba wuu daganaa wuuna dagan yahey. Colaad qabiileeduna wey dhex taaley markii Siyaad Barre xukunka laga tuurey. Dowladina kama jirin dadku beelo iyo qabiilo ayey u kala qeysanaayeen. Hase ahaatee xalka ugu muhiimsan wuxuu ahaa in dadka Soomaaliland dagan is cafiyeen. Arintan waa aasaaska nabadda Soomaaliland. Qabiiladda koofurta ku dagaalamaya waa is cafiyaan hadey xal doonayaan. Haddii kale 20 sano oo soo socdana sidaas ayuunbey isku boocsandoonaa/eryandoonaa. Dadka masaakiinta ahna dani uguma jirto dagaal aan kala go’lahey.
Jawaabta su’aashini waa CAFIS. Qabiilkasta waa inuu cafiyaa qabiilka kale. Haddana kow laga soo bilaabaa. Ilaaheyna ha ina waafajiyo. Ogow cafiska adigaa lagaa doonayaa, ee haka sugin kaabo qabiil.
Posted on : 28-03-2010 | By : Cigaal Shiidaad | In : Soomaaliya
0
Dadka qaar ayaa aaminsan inuu dagaalkii qabuuraha bilaabmey. Al Shabaab oo caado ka dhigtey iney baabi’iyaan qabuurada iyagoo ku doodaya in qabuurahan laga dhigtey sanamo la caabudo.
Waxaa marka hore xasuusin mudan, in leyska ilaaliyo wax yaalaha kugu ridaya inaad shirki ku dhacdo. Nabi Ibraahim CS markii dabka lagu ridayey waxaa u yimid Malakul Jibriil oo ku jidhi Nebi Ibraahim CS ‘Maxaan kuu qabtaa?’. Markaasuu ku yidhi ilaahey baan caawimaad ka sugayaa ee waad mahadsantahey.
Malakul Jibriil oo ah malagga malaaigta ugu sharafta badan ayuuna Nabi Ibraahim CS diidey inuu caawimo weydiisto isagoo ka dheeraanaya inuu ilaahey u shariik yeelo. Sidaas awgeed waxaa muhiim ah iney ogaadaan dadka muslimiinta ahi inuu shirkigu si dhibyar kugu soo galikro.
Nimankan Al-Shabaab waa dad shardoon doon ah. Ujeedadooduna waa iney dhibaato ka dhex aloogaan dadka muslimiinta ah iyagoo ku marmasoonaya waxey caabudaan qabuuraha, waxey la hadleen gaalo iyo waxii lamidah. Miyaaney ogey in munaafaqii ugu weynaa munaafiqiintu ku noolaa Madiina markii nabigeenii scw uu soolaa. Ilaaheyna ku sheegey quraanka iney munaafiqiin yihiin. Hase ahaatee markii asaxaabtii yidhaahdeen Nibi Allow nagu fasax aan qoorta ka gurnee. Nabigu SCW waxuu ugu jawaabey ‘lagu sheekeysan maayo Nabi Maxamed baa asxaabtiisa laaya’. Iyaguna waxey leynaa muslimiin wax ka qaldan yahiin halkay ka sixi lahaayeen.
Waxaa wanaagsan in dadka diinta la baro oon dadka diinta laga eryin. Dadka diinta laga eryayona, waa middey Al-Shabaab khabiirka ku tahey. Waayo hadaad shariicada islaamka hirgalineyso waa sharcigeeda marisaa. Al-Shabaab kuma shaqeyso shariicadda islaamka waayo dadka wey iska karbaashaan, gacmaha ka gooyaan ama iska dilaan iyagoon marin sidey shareecada islaamku qoreyso. Waxaa cad inaaney diidta islaamku ogoleyn in qof leyka dilo isagoon lasiin xaqiisa ah inuu isdifaaco. Qaadiga wax xukumayaana waa inuu hayaa cadeyn waafaqsan diinta islaamka oo amreysa in ladilo qofkaas. Taasina maaha midey Al-Shabaab xil iska saarto.
Haddaba miyaaney cadeyn in Al-Shabaab ku tumato diinta islaamka iyagoo ku doodaya iney u adeegayaan diinta islaamka. Waxaan u soo jeedineynaa Al-Shabaab iney ka waantoobaan leyna dadka islaamka ah oo siyaabaha kala duwan u leynayaan. Hadey tahey isqarxin ama tooasho badheedh ah ama xukun la xumayho qofaan danbi lahey.
Faarax macalin oo difaacey booqashadii uu Soomaaliland ku tagey sanadkii la soodhaafey. Weerarakan ayaa kaga yimid dad ka xun horumarka Soomaliland.
Faarax Maxalin waa halyey lagu daydo, isagoo
- Ka noqdey gudoomiye ku xigeenka baarlamanka wadan jinsiyadda Soomaalida laga neceb yahey.
- Ahna siyaasi aqoon u leh howsha uu gacanta ku hayo
- Ana nin codkar ah oo afkiisa ku ciilbaxa
- Daacxad u ah mabda iisa Soomaalinimo
Faarax macalin wuxuu tusey Soomaali oo dhan inaaney marti ku noqon wadankooda. Kenya waa wadan Soomaaliyi qeyb ku leedahey wuxuu ina tusayaa inaan qeyteena soo ridano. Waanan ugu hambalyeyneynaa oo waxaan leenahey halkaas dadaalka ka sii wad.
Soomalilandna wey ogtahey nacabkeeda, mana aha markii ugu horeysey oo weerar lagu qaado dad sheegey wanaaga Soomaaliland. Sidaas awgeed waxaa nasiibdaro ah iney dadkan oo Soomaali sheeganaya sii fogeynayaan walaaltinimadda Soomaaliland u heyso Soomaalida.
Note: Your positive comment is welcome but not your hate.
Posted on : 05-12-2009 | By : Cigaal Shiidaad | In : Soomaaliya
0
Soomaaliya waxey sharaf kuleeyahey dowlad . Taasoo dalka sharaftiisa, dalka calankiisa, dalka baasaboorkiisa, iyo dalka dadkiisaba ilaalisee. Soomaaliya maanta waa raq, tuko walibana feenanayo. Mid xashiishiisa ku daadiya, mid kheyraadka baddeena guranaya iyo mid siduu doonaba ka yeela.
Maxaa u dana dalkeena Soomaaliya
Hadeynu dooneyno inaan xalino arinta Soomaaliya, waa iney oganahey meeshey ka bilabatey. Qofkastoo Soomaaliyana wuu ogyahey taas. Taasina marka koowaad waa qabiil, marka labaadna waa qabiil, marka sadexaadna waa qabiil.
Hadda iyo dan, ninkii qeyrkiis loo xiirayow soo qoyso adiguna. Soomaalidu iyaduunbaa iskala taqaan. Laakiin budka Soomaali u socdaa Daarood, Isaaq, Hawiye iyo wixii lamid ah mayaan. Waxaase nasiib daro ah in dhaxalkii wadanku noqdey anaa kaa laadheereysan.
Hadda bal dib u eeg labaatankii sano oo lasoo dhaafey, kumaa odhan karan anaa guuleystey. Bal iminka waa kee kan odhanaya anaa guuleysey. Ileyn waxaa loo dagaalamaa waa in la guuleystee. Wallee nin gacanta taagi kaaraa majiro. Kuligeenba weynu guul dareysaney.
Haddii shaley la soo calin karin lahaa ama waqtiga dib loo calin kari lahaa, qofkasta wuu garanayaa meesha uu wax ka badali lahaa. Laakiin shaley wey tagtey soo noqon meyso. Xalka iminka taagan waa, nolol u ogolow walaalkaa markaasuu isguna kuu ogolaan doonaa inaad noolaato. Soomaaliduna waxey ku maahmaahdaa “Rag Walaal Wuxuu ku Dhaamo Maleh”.
Haddaa jeceshahey inaa fikraddaada ka dhiibato, ku soo dhawow. Dhiibo fikirkaaga iyo wixii aad ku kordhineysoba.
Posted on : 05-12-2009 | By : Cigaal Shiidaad | In : Soomaaliya
0
Suuqa bakaaraha oo ah mid ka midah suuqyada ugu waawey ee magaalada Muqdisho. Waxaa usoo adeeg taga dad ka badan tobannaan kun oo haween u badan. Waxaa kaloo u soo shaqo taga kumannaal kale oo shicib ah si ay uga helaan bariiskooda.
Waxaa hadaba layaab leh in suuqan bartilmaameed laga shidto markii labo kooxood is qabtaan. Waxaa nasiib daro ah in dowladda Soomaaliyeed bambeyso meel suuq ah oo dad shicib ahi isugu yimaadaan. Arintanoo ah marka koowaad mid ka soo horjeeda diinta islaamka. Marka labaana ka soo horjeeda sharciyada caalamka. Marka sadexaadna ka soo horjeeda xuquuqda bini aadan ka.
Waxaa kale oo ah midaan la rumey karin, in ciidamada Midowga Afrikan oo u yimid iney caawiyaan dadka Soomaaliyeed (Waa sidey iyagu inoo sheegayaane), iyagu sida ugu xun u bambeeyaan suuqan Bakaaraha. Suuqan oo caruur iyo dumar u adeeg yimaadaan.
Haddaba Soomaaliyey:
- Hadeynaan isku nixin yeynu ka sugeynaa iney noo naxaan.
- Hadeynaan wadankeena ilaashan yeynu ka sugeynaa iney inoo ilaaliyaan.
- Hadeynaan caruurteena badbaadin yeynu ka sugeynaa iney inoo badbaadiyaan.
Hadaba Soomaaliyey toos, toosoo isku tiirsada, hadba kiina taag daran taageera waligiin. Qofkasta oo Soomaaliyeed, meelkasta ood joogto, awood kasta ood leedahey. Isticmaal aqoontaada, awoodaada, xirfaddaada iyo wax walbood awoodo. Oo u dhaqaaq sidii wadan keena nabad loogu soo dabaalilahaa. Iskagana qaban lahey qofkasta oo cadowku ah nabadeena, magac kasta hasitee.